WAR DEG DEG : Ciidama Uruuri iyo Xiisad Ka Taagan Gobalka Mudug, iyo Puntland iyo Galmudug oo Dagaal Qarka u Saaran +Sababta

Waxaa laga baqayaa in dagaal culus uu mar kale gobolka Mudug ku dhexmaro ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo lasoo sheegayo in deegaanno ku dhow Gaalkacyo ay xiisad ka jirto.
Arrintaan ayaa ka bilaabatay kadib markii maamulka Galmudug ciidankiisu ay dad shacab ah habeenkii jumcadii ku laayeen deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug.
Deegaanka Balli-Busle waxaa hadda laga soo sheegayaa iney ka jirto xiisad dagaal oo Labada dhinac u dhaxeysa, waxaana isku hub uruursanaya Maleeshiyaadka Labada dhinac halkaasi ka jooga.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)