WAR DEG DEG AH : Galmudug oo Ku Dhawaaqday in Dowlada Farmaajo aysan imtixaaka Shahaadiga Qaadi Karin…(Akhriso Sababta)

War goordhaw nasoo gaaray Ayaa sheegaya in mugdi uu soo kala dhex galay Maamul Gobolleedka Galmudug iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Waxbarashada Galmudug ninka lagu magacaabo Abshir Cabdi Shiikhoow ayaa waxa uu sheegay inay xiriirkii Wada shaqeyneyd ujareen Wasaarada Waxbarashada DFS.
Waxa Wasiir Shiikoow ku micneeyey Arintaasi inay ugu wacan tahay in Wax isdaba marin badan ay dareemayaan oo keentay inay hakiyaan wada shaqeyntii.
Maanta ayaa waxa la filayey inay ka dhacaan Deegaanada Galmudug Imtixaanka Shahaadiga ay Dawlada Soomaaliya Qaadeyso balse Wasiirka uu sheegay in iyaga ay qaadanayaan oo DFS aysan waxba ka sugeynin imtixaan qaadista.
Lama oga Xaaladaan cusub Ee Soo korortay halka ay ku dambeyn doonto.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)