WAR CUSUB : Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre oo Ku Heshiiyay in isku Shaandeyn Lagu Sameeyo Golaha Wasiirada..

Warar si hoose loo helay ayaa sheegaya in Isku shaandheyn lagu sameyn doono xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in markii 6 bil ay dhammeystaan wasiiradan hadda shaqeynaya kadib isbedal ballaaran lagu sameyn doono xukuumadda.
Waxaa la kala wareejin doonaa wasiirada qaar, halka qaarna gabi ahaanba shaqada laga diri doono, waxaana la taaban doonin wasiirada arrimaha dibadda iyo sidoo kale Maaliyadda.
Qorshahan waxaa la sheegayaa inuu wato Ra’iisul wasaaraha, balse waxaa dhici karta in dib looga laabto arrintaan haddii wasiirada ay lasoo baxaan dar dar shaqo oo ka duwan midda hadda.
Xukuumadda Kheyre ayaa laga sugayaa iney dalka geliso isbedal ku socda xowli aan la qiyaasi karin, walow ay jiraan dhaliilo durba ay leeyihiin wasiirada qaar.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)