Waa Kee Dalka Afrikaanka ah ee ciidamada usoo diray Soomaaliya (Tirada Ciidamo cusub oo Muqdisho La Keenay)

Dowlad African ah ayaa markii ugu horeysay ka mid noqotay howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii.
Dowladda Zambia oo kamid ah dalalka Africa ayaa ciidamo ka socdo dalkaasi kana mid noqonaya booliska AMISOM usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxaana ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Tirada ciidamada booliska Zambia ayaa gaareysa 22 askari oo ay ku jiraan afar saraakiil sar sare ah oo tababaro ka bixin doono magaalada Muqdisho, waxaana sidaasi sheegay sarkaalka hogaaminaya ciidamada.
“Waxaan arki karaa rajo ah in ay wax wanaagsan socdaan,taas oo aan annaga wax ku dari karno, waxaan adkeyneynaa tababaridda Booliska Somaliyed, waxaan dooneynaa in aan caawinno walaalaheen Somaliya,si ay uga maarmaan kaalmada waddamada deriska ah.” Sidaas waxaa yiri Kasale Tresphord oo ah taliyaha Booliska ka socda dalka Zambia.
Ciidamadan Booliska ayaa dhankooda waxaa la siiyay tababar kooban oo ku saabsan la dhaqanka Soomaalida iyo dhaqanka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed oo u baahan inay ka feejignaadaan xumeyntiisa.
Midowga Africa ayaa sheegay in bixinta ciidamada AMISOM ee SOomaaliya ay bilaaban doonto 2018, balse waxaa muuqata in haatan ciidamo cusub lagu soo darayo AMISOM.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)