SIR LA HELAY : Dowlada itoobiya oo Dhaqaale Siisa Xildhibaanada Kasoo Hor Jeeda Farmaajo..(Akhriso)

Xog hoose oo ay heshay wararka ee Badweyn.com ayaa waxay sheegeysaa in dowladda Itoobiya ay qarash badan siiso xildhibaannada hor u socod la baxay ee isku sheegay iney yihiin Mucaarad.
Ulajeedka loo aas aasay kutladan ayaa ah in lagu carqaladeeyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana qorshahan ka dambeysay dowladda Itoobiya.
Xogtu waxay sidoo kale sheegeysaa in qarash badan ay dowladda Itoobiya ku bixisay arrintaan, waxayna dowladdaasi bil walbo bixin doontaa lacaf 100 kun oo doolar ah.
Lacagtaan ayaa la doonayaa inay ahaato mid gunno yar ahaan ah, balse waxaa la abaal marin doonaa markii ay meesha ka saaraan dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo.

Itoobiya ayaa caqabad badan u aragta dowladda Farmaajo, sababtoo ah danaheeda gaarka ah kama helayso, waxyaabo badanna waa ay isku fahmi waayeen.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)