Dhageyso : Dagaal Lama Filaan oo Madaxtooyada Ka Dhex Dhacay iyo Farmaajo oo Ceeb Weyn Soo Wajahday..

Dowladda Soomaaliya ayaa waji kale u yeeshay dagaal xalay degmada Xamarweyne ku dhexmaray ciidamada NISA iyo kuwa ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Dagaalkan oo geystay khasaaro dhaawac ah ayaa udhaxeeyay labadan ciidan xili ay siyaabo kala duwan uga sugnaayeen xarunta dowladda hoose ee degmada Xamarweyne halkaas oo ay ka socotay munaasabadii Aas-aaska SYL.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Laakiin, dad badan ayaa la yaabay kadib markii gudoomiyaha degmada Hodan ee DFS uu dusha saartay eedeynta dagaalkaas, isagoo sheegay in ciidamo hubeysan ay gaarigiisa rasaaseeyeen, wax qasaaro ahna uusan kala dhalan.
Inkastoo Wararka ah in dagaal uu dhexmaray NISA iyo ilaalada Madaxtooyada ay yihiin kuwa la xaqiijiyay, hadana gudoomiyaha ayaa ka been sheegay arintaas.
Madaxda kale ee dowladda iyo saraakiisha ciidamada kama aysan hadlin dagaalkan dhacay oo la sheegay inuu yimid kadib markii ay ciidamadu kala shakiyeen.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)