DEG DEG : Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Dhaawaca iyo Dhimashada oo..

Qaraxa ayaa dhacay Abaare 11:15 Barqanimadii Saacada Soomaaliya waxaana jugtiisu aheyd mid meelo kala duwan laga maqlay.
Waxa qaraxa uu ahaa mid xoogan oo dad badan ay ka naxeen maqalkiisa,iyadoo taleefoonada ay mashquul noqdeen maadaama la is weydiinayey halka uu ka dhacay Qaraxa.
Qof goob jooge ah ayaa usheegay Baahin in Qaraxa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday khasaarana uu geystay.
Waxa uu ka dhacay Qaraxa halka loo yaqaano Jiiro Miskiin Ama Xaawo Taako Ee Degmada Wadajir.
Lama sheegi karo weli Khasaaraha ka dhashay.
Ilo Muhiim ah ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in Ciidanka Amaanka ay qarxiyeen Gaari Walxo qarxa ka buuxay oo la ogaaday xogtiisa wax dhibaato ahna ka dhalan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)