DEG DEG DHAGEYSO : Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo Ku Biiray Xildhibaanada Kacdoonka Kuwada Madaxweyne Farmaajo…

Warar lama filaan ah ayaa kasoo baxaya madasha Horu-socod oo looga dhawaaqay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ku dhawaad Boqol Xildhibaan ayaa dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga dhawaaqay madal cusub oo ay ugu magac dareyn HORUSOCOD, waxaana madax looga dhigay Cabdirashiid xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO XOGTA

Haddaba dabagal dheer kadib ayaa lagu ogaaday cidda ka dambeyso madashaan iyo siyaasiyiinta sida rasmiga ah uga mid ah ololahaan ayaa soo ogaatay inay Madasha cusub kusoo biireen qaar ka tirsan Musharixiintii ka qeyb galay doorashadii dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.
Sida xogta sheegeyso waxaa madasha si rasmi ah ugu biiray Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kamid ahaa musharixiintii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya u tartantay, waxaana la xaqiijiyey inuu si weyn usoo dhaweeyey dhismaha madashaan isagoo kamid noqday siyaasiyiinta xubnaha ka ah ama ka shaqeenayo sidii loogu guuleysan lahaa danah loo dhisay.

Sidoo kale xog hoose ayaa muujineysa inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud fariin hambalyo ah usoo diray Xisbiga Daljir oo ah xisbiga dhigay gogoshada madashaan lagu dhisay.
Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Doorashadii Soomaaliya ee uu Farmaajo ku guuleystay ka kala galay kaalmaha labaad iyo seddexaad, waxayna horey u ballan qaadeyn inay dowladda Farmaajo la shaqeyn doonaan lamana ogo waxa hadda ku kalifay inay kamid noqdaan madal lagu mucaaradayo dowladda cusub.
Waxaa jira warar sheegaya in bisha Augost ay xildhibaanadan diyaariyeen Mooshin ka dhan ah xukumadda, sidoo kale ay uyeeri doonaan madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale, olalahan ayaa waxaa la ogaanayaa iney raali ka tahay dowladda dalka Kenya oo dadaal ku bixineysa iney meesha ka saaraan xukumada cusub ee Soomaaliya.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)