DAAWO WARBIXIN XIISO LEH : Maxaa u Qabsoomay Madaxweyne Farmaajo 100 Maalin ee Joogo Xafiiska

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo kusoo baxay doorashadii Dalka ka dhacday 8-bishii Feberaayo ee sanadkaan ayaa waxaa uu jirsaday Boqol cisho.
Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya muda uu xilka hayo Madaxweyne Farmaajo iyo waxa uu qabtay.

Aqoonyahay Xasan Xeyle Tooxoow oo ka faalooda arimaha siyaasada kuna sugan Dalka Boqortooyada Sacduudiga ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax badan ka qabtay xiriirkii dhanka soohdinta iyo Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi,Dowladiisana ay guul ka keentay heshiiskaasi ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Kenya.
Waxaana uu soo hadal qaaday Aqoonyahan Xeyle arimaha Amaanka iyo Xiriirka Caalamka waxa uu ka qabtay Madaxweyne Farmaajo.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)