DAAWO : Al-Shabaab oo Baahisay Muuqaalka Askariga Kenyanka ah oo ay Maxbuus u Heysteen Kuna Hanjabay….

Kooxda AlShabaab ayaa soo bandhigay Askari katirsan ciidamada Kenya kaas oo ay ku qabteen dagaal ka dhacay degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo sanadkii hore.
Muuqaal soconaya Afar daqiiqo oo laga soo duubay Askarigan magaciisa lagu sheegay Alfred Danyi Kilasi ayaa waxaa uu fariin udirayaa madaxda Kenya iyo eheladiisa.
Isagoo ku hadlaya Luuqada Kiswaheliga isla markaana xiran dharka militeriga Kenya ayuu yiri “Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ahna kama helin dowladeena. Ma aanan heli wax caawin ah haba yaraatee sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata”

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

“Waxaad ahayd hogaamiyaha Kenya laga soo bilaabo markii nala keenay Soomaaliya ilaa hadda. Waxaan kaa codsaneynaa in aad na caawiso oo aad raadiso wadda aad nooga bixin karto xaaladda maxbuusnimo ee aan ku jirno. Qoysaskeena aad ayey nooga fog yihiin, mana ka war heyno” ayuu yiri.
AlShabaab ayaa marar badan soo bandhigay askar ay dagaaladda ku qabsadeen, halka sidoo kale ay toogasho ku dileen kuwa kamid ah askartaas ay qabsadeen.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)