AKHRISO : Dowlada Somaliya ah Ka Qaaday Ciidamadii Gadoodka Sameeyay ee La Wareegay Wasaarada Gaashaandhiga…

Ciidamadii Militariga ee shalay gadoodka ka sameeyay Magaalada Muqdisho, ayaa maanta laga saaray magaalada, iyadoona loo kaxeeyay dhinaca Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamadan oo ka cabanayay mushaar la’aan, ayaa Khamiistii la wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Gobolka Banaadir, inkastoo aanay jirin cid ay waxyeelo u gaysteen.
Ciidamadan iyo ciidan kale oo militariga ka tirsan, ayaa maanta laga wada saaray Magaalada Muqdisho, waxaana ay magaalada ka baxeen iyagoo wata gaadiid tiradoodu lagu qiyaasay 70 xabo.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga, General C/laahi Cali Caanood uu ciidamadaasi ku qanciyay in laga saaro Caasimadda Muqdisho.
Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa yiri “5-tii galabnimo ee shalay ayaa ciidamadii gadoodka sameeyay waxaa u tagey Saraakiil uu horkacayay Abaan Duulaha Ciidamada Xoogga Dalka, waxayna ku qanciyeen inay isaga baxaan Wasaaradda Gaashaandhigga.”
Waxa kaloo uu yiri “Saakay iyagoo ogol ayaa ciidamadan laga saaray Magaalada Muqdisho. Ciidamadan waxaa lala saaray dhammaan Ciidamadii Militariga ee qaybta 77, oo Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ay u bixisay qaybta 12-ka April.”
Ciidamada laga saaray Magaalada Muqdisho oo uu tiradoodu ku sheegay in ku dhow laba kun oo askari, ayuu tilmaamay in la geeyay Garoonka Balli-doogle, oo ku yaala duleedka Degmada Wanlaweyn.
“Waxaan idin xaqiijinaya in ciidamadan oo tiradoodu ay ku dhowdahay laba kun oo askari la geeyay Garoonka Balli-doogle, xilli uu la socday Abaan Duulaha Ciidamada Xoogga Dalka.” Ayuu yiri Sarkaalka Militariga ka tirsan.
Wuxuu intaa ku daray “Ciidamada 12-ka April waxay ku magacaaban yihiin Gobolada Shabellaha Dhexe, Banaadir iyo Shabellaha Hoose, waxaana Taliye u ah General C/laahi Cismaan Cagey.”


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)