DEG DEG: Kala Carar si lama filaan ah kaga bilawday Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho…

Wararka naga soo gaaraya xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu kala cararay kadib markii la sheegay in la arkay gaari sida walxaha qarxa.
Ciidamada ammaanka ayaa gaari nin shacab leeyahay, lana dhigey Hoteel halkaasi ku yaallay ka shikiyey, waxaana ay dadka u sheegeen in gaarigan qarxi rabo.
Kala carar ayaa ka dhacay, hase ahaatee waxaa yimid ninkii gaariga lahaa oo la aqoonsaday, waxaa la baaray gaarigaasi, waxaana la ogaaday in aanu walxo qarxa jirin.
Shacabka Muqdisho ayaa aad isaga ilaaliya gaadiidka la dhigo hareeraha waddooyinka, waxaana ay u arkeen kuwo dhibaato u keeni kara maadaama qaraxyo ay horey uga dhaceen magaalada Muqdisho.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)