AKHRISO : Dowlada Gadaal Ka Riixeysa oo Xildhibaanada Raba in ay Ridaan Dowlada Farmaajo oo La Ogaaday….

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay garab muuqda siineyso Xildhibaanada 88 ee magaalada Nairobi uga dhawaaqay Madasha Hor u socod ee looga soo horjeedo Xukuumada Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada qaar ay kulan la qaaten Mas’uuliyiin ka kala tirsan Wasaaradaha Amniga, Gudaha, Dibadda iyo Madaxtooyada Kenya kuwaa oo ay kala hadleen aasaaska Madasha.
Xildhibaanadaani oo laga soo dhex xulay 88 Xildhibaan ee qeybta ka ah Madasha ayaa dowlada Kenya ka dhaadhiciyay in garab lagu siiyo howlaha Madasha.
Xildhibaan ka tirsan Madasha ayaa inoo xaqiijiyay in dowlada Kenya ay u sameysay ballanqaad waxa uuna tilmaamay in aasaaska Madasha uusan aheyn mid cusub.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Kenya ay macluumaad kasiiyen ujeedka Madasha iyo inay kaga soo horjeedan qaabka ay dowlada Somalia u wado howlaha Qaran.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay u ballanqaaday inay ka warqabi doonto isla markaana ay la garab istaagi doonto wixii ku xeeran baahidooda.
Dowlada Kenya ayaa aad uga didsan Siyaasada ay isticmaaleyso dowlada Madaxweyne Farmaajo markii laga soo tago Heshiiskii labada Madaxweyne ku dhexmaray magaalada Nairobi kaa oo u muuqday mid doc ka qosol ahaa, maadaama Kenya aysan weli fulin qaar kamid ah qodobadii la kala saxiixday.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)